7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2023
Ciidamada Somaliland faah faahin ka bixiyay dagaal ay ku dhinteen 6 qof oo shalay ka dhacay magaalada Hargaysa

Arbaco, December, 20, 2023 (HOL) - Ciidamada Millateriga iyo Booliiska Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay sidii uu u dhacay dagaal shalay buurta Naaso Hablood ee Hargaysa ku dhexmaray ciidanka millateriga iyo shicib hubaysan, markalena dhex maray ciidamada booliiska iyo millateriga.

Labada ciidan ayaa ka warbxiiyay dagaal kan oo ku salaysnaa muran dhul, dhulka oo qaybo kamid ah millaterigu ay dageen kadibna ay kusoo weerareen xoogag hubaysan, oo dhulka sheeganaya, halkaana uu ka bilaabmay dagaal ay ku dhinteen 6 qof oo askar iyo shicib iskugu jira.

"Niman shicib ah ayaa soo weeraray ciidankii halkaa dagana, nina way ka dileen, nina way ka dhaawaceen, kadibna labada ciidamba way ku gurmadeen goobtii, waxaana laysla gartay in ciidanka qaranku ku noqdo xeradisii hawshana loo daayo ciidanka bilayska" afhayeen u hadlay booliiska ayaa sida yidhi.

Waxa uu sheegay xili nimankii weerarka soo qaaday laga qabtay baabur ay wateen iyo 2 nin, ay markale oo rogaal celiyeen iyaga oo dilay nin askari ah oo ciidanka birmadka ahaa, 2 kalena dhaawacay, waxa uu intaa ku daray in ciidankii ay noqotay in ay is difaacaan inta kadib iyaga oo 2 nin ka dilay qoladii weerarka ahayd, midna dhaawacay, halka 6 na la qabtay.

Abaanduulaha Guud ee Miilateriga Somalilad Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale, ayaa sidookale ka warbixiyay weerar labaad oo niman millateri ah oo uu sheegay in ay dhulka laysku haysto sheegtaan ay ku qaadeen ciidankii booliiska ee goobta la geeyay we ay ku dhinteen 3 askari.

Taliyayaashu waxa ay sheegeen in arrinta dagaalkan, askarta dhimatay, magtooda iyo aaskoodaba lagala soo xidhiidhi karo oo kali ah xafiisyada labada ciidan, isla markaana anay shaqo ku lahayn beelo iyo odayaal toona.