7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2023
Dowladda oo shaacisay in duqeyn ka dhacday Jilib lagu dilay horjooge ka tirsana Al-shabaab
 

Arbaco, December, 20, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah kasoo saartay duqeyn 17-kii bishaan Decembar ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Duqeynta ka dhacday Jilib ayaa aheyd mid diyaaradeed oo ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka, taasoo lala eegtay horjooge ka tirsanaa kooxda Shabaab oo ay dowladda Mareykanka si weyn u doon dooneysay.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadoow ayaa xaqiijiyay in duqeynta Jilib lagu dilay horjoogahii Al-shabaab u qaabilsanaa abaabulka dagaalada oo lagu magacaabi jiray Khaliif Daa’uud, kaasoo Shabaabka dhexdiisa looga yaqiinay magaca Macalin Ayman.

Horjooge Macallin Ayman ayaa la tilmaamay inuu masuul ka ahaa abaabulka weeraro kala duwan oo ka dhacay gudaha dalka Kenya oo lala beegsaday saldhiggii Mareykanka ee Manda-Bay iyo Saldhigyo ciidamada Kenya.

Horjoogajaan duqeynta lagu dilay waxaa horay xayiraad u saartay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana sidoo kale Mareykanka ay duldhigtay madaxiisa abaal marin lacageed oo gaareysa 5 Milyan oo doolar, kaasoo ugu dambeyn duqeyn diyaarad aanan duuliyaha laheyn lagu dilay 17-kii bishaan.