7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2023
Wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya oo ku geeriyootay dalka Jabuuti
 

Arbaco, December, 20, 2023 (HOL) - Wasiirkii haweenka iyo arrimaha xuquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya, xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta ku geeriyootay dalka Jabuuti.

Allaha u naxariistee, wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kamid ahayd wafdigii raysal wasaaraha Soomaaliya u raacay dalka Jabuuti, si ay uga qeyb galaan shirka aragti wadaagga Heritage ee ka socda dalka Jabuuti.

Marxuumaddu waxay ahayd qof saamayn ku lahaa siyaasadda Soomaaliya, iyadoo tan iyo burburkii dalka kadib kaalin weyn ku lahayd howlihii dowlad dhiska Soomaaliya, waxayna muddo ka badan 20 sano kamid ahayd baarlamaanadii kala duwanaa ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay wasiir kasoo noqotay badi xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka soo mara, oo ay ugu dambeyso xukuumadda haatan uu hoggaamiyo raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed geerida marxuumad Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.