7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 20, 2023
Ciidamada dowladda oo maanta dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan gobolka Mudug

Arbaco, December, 20, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Camaara iyo Caad ee Koonfurta gobolka Mudug.

Deegaanada ay ciidamada is garab sanaya la wareegeen ayaa kala ah Jeex jeex iyo Buurta Yacgoos, waxaana la sheegay in halkaasi uu dagaal khasaare geystay ku dhexmaray ciidamada huwanta ah iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka lagula wareegay deegaanadaan ayaa yimid kadib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar ku qaadeen deegaanadaan oo la sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay isku aruursanayeen.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada is garabsanaya waxay sheegeen in dagaalka lagula wareegay deegaanada Jeex jeex iyo Yacgoos khasaare lagu gaarsiiyay Al-shabaab, hayeshee maysan shaacin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

"Howlgalka ayaa qeyb ka ah halganka sifeynta cadowga ee ka socda Koofurta Mudug oo dhul ballaaran looga xoreeyey shufto diimeedka caadeysatay dhibaatada shacabka" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee lagu doonayo in looga xureeyo deegaanada gobolka Mudug.