7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 18, 2023
Madaxda Puntkand oo ku heshiiyay in aan la beddelin guddiga ansixinta xildhibaanada

Isniin, December, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, ku xigeenkiisa, Axmed Karaash iyo guddoomiyaha  baarlamaanka, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ka heshiiyay khilaafkii ka taagnaa guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha golaha wakiillada.

War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland oo looga warbixinayay kulankan, ayaa lagu sheegay in madaxdu ku heshiiyeen labo qodob oo kal ahaa:-

1: In Guddiga uu madaxweyne Deni magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Puntland sidiisa loo daayo.

2: In Baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimi Baarlamaankii 5-aad, oo muddo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023.

Sidoo kale, madaxda Puntland, ayaa kaddib kulan gaar ah la qaatay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada, iyagoo kula dardaarmay inay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan oo daacad ah.

Dhinaca kalena, musharraxiintii diidanaa guddigan, ayaa xalay dhankooda la kulmay xubnaha guddigan, waxayna dood dheer kadib isku raaceen in guddiga shaqadiisu si daacad ah u guto, lana joojiyo wax kaste oo ka hor imaanaya xeerka doorashooyinka.