7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 18, 2023
Sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda
 

Isniin, December, 18, 2023 (HOL) - Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliya ee ka howlgala degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa soo bandhigay nin oday ah oo la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab.

Ninkaan odayga ah ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Mursal Macalin Nuur oo looga yaqaano Shabaabka dhexdiisa Axmed Kawaan ayaa isku soo dhiibay ciidanka Nabadsugida qaranka.

Axmed Kawaan ayaa la sheegay inuu kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka sahanka iyo kasoo aruurinta bulshada dhexdeeda caruurta ay sida qasabka ah ku askareeyaan kooxda.

Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa aad usoo badanaayay xubnaha ka tirsan kooxda Al-shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Gobolada Baay iyo Bakool ayaa ka mid meelaha ugu badan ee iska soo dhiibaan xubnaha kasoo baxsanaya Ururka Al-shabaab.