7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 18, 2023
Wasiir Juxa: “Xasan Sheikh Maxamuud wuu diiday inuu nala hadlo, siddeeda January ayuu qabsaday
 

Isniin, December, 18, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay dowladda federaalku inay aad ugu dadaalayso inay saamayn ku yeelato doorashada Puntland.

Wasiir arrimaha gudaha Mr. Juxa ayaa sheegay, dowladda federaalku inay doonayso inay lasoo baxdo madaxweyne Puntland ka socod siiya ajendaheeda siyaasadeed ee wax ka beddelka dastuurka dalka iyo doorashooyinka.

“Ajendaha la isku hayaa waxaa weeye, Galaangalka ay Villa Soomaaliya u doonayso inay ku yeelato doorashada Puntland, iyo inay Puntland iyadu aayaheeda go’aan ka gaarto, oo si madax bannaan u gorgortanto. Taasaa meesha taala,” ayuu yiri Juxa.

“Xasan Sheikh wuu diiday inuu nala hadlo. Siddeeda January ayuu qabsaday, isagoo ku dadaalaya inay dowladdan meesha ka baxdo. Annagana sagaalka January baan qabsanay. Ciddii timaada iyo calaf,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Juxa.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa kusoo beegmay, iyadoo maanta uu magaalada Garowe gaaray wasiirkii arrimaha dibbada Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse oo u sharraxan xilka madaxweynaha Puntland.

Wasiir Haruuse ayaa saakay iska casilay xilkiisii, si uu xoogga u saaro doorashada madaxweynaha Puntland.