7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 18, 2023
Xafiiska xeer ilaalinta Soomaaliya oo xiray gabar lagu eedeeyay inay faafisay muuqaallo anshax xun

Isniin, December, 18, 2023 (HOL) - Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Soomaaliya oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka, ayaa sheegay inuu soo xiray Bishaaro Idiris Maxamed oo ku magac dheer Bishaaro Balaayo oo ahayd gabar dhallinyaro ah oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaallo anshax xumo ah oo ay dhibsadeen bulshadu.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha, ayaa lagu sheegay in eedeysanaha la horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir, waxaana lagu soo eedeeyay in ay ku xadgudubtay anshaxa iyo dhaqanka Bulshada.

Xeer ilaalintu waxay sheegtay inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa suuban ee Bulshada Soomaaliyeed.

Dhawaan, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xuseen Jimcaale Maddaale ayaa sheegay in loo adkaysan doonin falalka kasoo horjeeda dhaqanka iyo diinta.

Wuxuu sheegay inay magaalada Muqdisho kusoo badanayaan dad faafinaya dhaqamo iyo anshax xumo lagu fidnaynayo bulshada, isagoo hay’adaha amniga ugu baaqay inay tallaabo ka qaadaan.