7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 18, 2023
Khuburada badda oo cabsi ka qaba in kooxaha burcad Soomaalida ay wada shaqayn la yeeshaan Xuutiyiinta
 

Isniin, December, 18, 2023 (HOL) - Markab kuwa xamuulka qaada ah oo ka babanayay calanka Malta oo ay afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida ayaa ku sii jeeda dalka Yemen, taasi oo keentay cabsida laga qab in kooxaha burcad badeedda Soomaalida ay la shaqeeyaan kooxaha Xuutiyiinta.

Markabka MV Ruen ayaa ka soo ambabaxay dalka Singapore kuna socday magaalada Gemlik ee dalka Turkiga markii ay burcad badeeddu ka qafaasheen badda Carabta maalintii Khamiista.

Markabkan oo ay saarnaayeen 18-shaqaale ah ayaa lagu soo waramayaa in markii ugu dambeysay lagu arkay isagoo ku socdaalayay xeebaha waqooyi bari ee degaanada Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay raadraac dhowaan lagu sameeyay markabka Ruen, waxaa la ogaaday inuu usii socdo woqooyiga dhinaca Bab-el-Mandeb ee Badda Cas.

Khubarada dhinaca badaha ayaa ka cabsi qaba in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay si wada jir ah ula shaqeeyaan kooxaha Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaas oo dhawaanahaan bartilmaameed ku ahaa maraakiibta shisheeye.

19-kii Nofembar, fallaagada Xuutiyiinta oo isticmaalaya diyaarad helikobter ah, ayaa weerar kamiin ah ku qaaday markab xamuul oo uu leeyahay Jabaan, MV Galaxy ayaa lagu hayaa meel u dhow dekedda Xudeyda ee Badda Cas ee Yemen.

Dhowr shirkadood oo maraakiib ah oo ay ku jiraan Hapag-Lloyd oo Jarmal ah iyo shirkadda Danishka ee Maersk, ayaa sheegay inay joojinayaan hawlihii maraakiibta ee badda cas ilaa amar dambe, iyagoo u sababeeyay beegsiga lagu hayo maraakiibta ganacsiga ee badda cas ka gooshi jiray.