Isniin, December, 18, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 24,aad ee Khaalid binu Waliid ayaa howlgalo ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
newsinsideHowlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay goobo ku yaala nawaaxiga deegaanka Ruunirgood oo ay fariisimo ku lahayeen kooxda Al-shabaab.
Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay iney cagta mariyeen goobo gabaad u ahaa kooxda oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada.
Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada ay fashilyeen miinooyin kooxdu ku aaseen qaar ka mid ah wadooyinka, islamarkaana miinoyinka qaarkood ay furfureen qaarna ay qarxiyeen.
Ugu dambeyntii saraakiisha waxay tilmaameen iney sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan meelaha ay gambaadka ka dhiganayaan Ururka Al-shabaab.