7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2023
Soomaaliya oo ka mid noqotay 31 dal Afrikaan ah oo dib u hantay Xaquuqdooda dayax gacmeedka
 

Jimco, December, 15, 2023 (HOL) - Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ku guulaysatay soocelinta xaqa ay Soomaaliya u leedahay iney hesho khayraadka meeraha dayax gacmeedka baahinta isgaarsiinta.

Guushan ayaa lagu tilmaamay dhamaadka geeddi socod adag oo soo socday muddo sanad ah, si waafaqsan ujeedooyinka qaraarka 559 ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo horumar u ah dhinaca isgaarsiinta dalka.

Magaalada Dubai oo uu ka soconayo Shirweynaha Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka waxaa toddobaadkan lagu qabtay munaasabad loogu dabbaaldagayo guusha ay 31 dal oo Afrikaan ah ka gaareen inay dib u hantaan kheyraadkooda dayax gacmeedka oo ay hore u haysteen shirkado iyo dalal kale, waxaana Soomaaliya ay ka mid noqotay dalaka ku guuleysatay iney dib ula wareegaan kheyraadkooda dhinaca isgaarsiinta dayaxgacmeedka.

“Ballanqaadkii iyo dadaalkii aan kala go’a lahayn ee aan sameynay sanadkii la soo dhaafay ayaa ku soo dhammaaday guushan, taasoo muujineysa sida aan ugu heellan nahay horumarinta isku-xirka iyo kaabayaasha teknoolajiyada dalka” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yasiin Sheekh.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in guushan ay horseed u tahay in laga gaaro horumar dheeri ah oo dhinaca isgaarsiinta dayax gacmeedka oo suurto gelineysa in dayax gacmeedka looga faa’iideysto sidii isgaarsiinta loo gaarsiin lahaa dalka oo dhan.

Guushaan ayaa sidoo kale u gogol xaaraysaa xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee isgaarsiinta, gaar ahaan dalalka Afrika ee la xariira soo celinta kheyraadka dayax gacmeedka oo soo kordhin doonta horumar weyn oo ah qeybaha isgaarsiinta, warbaahinta, iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

"Waxaan soo dhoweynayaa guusha dalkeenu ka gaaray soocelinta kheyraadka baahinta ee dayaxgacmeedka isgaarsiinta. Waxaana ku ammaanayaa hay’adda iyo kooxdii ka shaqeysayba guushan taariikhiga ah iyo inaan ka mid noqonno 31ka dal ee Afrika ee ka soo gudbay halbeegyadii la asteeyay" ayuu yiri Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolijiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif.

Ugu dambeyntio guushan laga gaaray baahinta isgaarsiinta dayaxgacmeedka ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo dowladda Soomaalya mudooynkii lasoo dhaafay ay ku talaabsatay guulo waa weyn adeegyada ku shaqeeya isgaarsiinta iyo teknolojiyada, taas oo saameyn toos ah ku yeelan doonta geedi-socodka horumarka qaranka.