7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2023
Xiliga uu furmayo tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta maamul goboleedyada dalka oo la shaaciyay
 

Jimco, December, 15, 2023 (HOL) - Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo Xiriirka kubada Cagta ayaa si wadajir u shaaciyey waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono tartanka ku Cagta gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada dalka ee sanadkaan 2023-ka.

Tartanka kubada Cagta ciyaaraha maamulka gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada ayaa lagu dhawaaqay inuu bilaaban doono 29-ka bishaan Decembar oo ku beegan maalin Jimco ah, kaasoo lagu ciyaari doono magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Shaacinta tartankaan ayaa looga dhawaaqay kulan ay goobjoog ka ahayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud, gudoomiyaha Xiriirka sare ee Kubadda Cagta Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino iyo gudoomiyaasha ciyaaraha maamul goboleedyada oo ka dhacay Muqdisho.

Tartanka ayaa la sheegay iney ka qeyb galayan kooxo ka kala socda maamulada gobolka Banaadir, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, waxaana ka maqan tartankan la shaaciyay maamulka Puntland oo horay ugu dhawaaqay inuu dhaqmayo sidii dowlad madax banaan oo kale.

Waxaa sidoo kale tartanka laga reebay SSC Khaatumo oo dhawaan dowladda Soomaaliya u aqoonsatay maamul ku meel gaar ah, islamarkaana horay loo shaaciyay iney ka qeyb galayso tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada, hayeeshee haatan lamana sheegin sababta looga reebay iney ka qeybgasho tartanka SSC Khaatumo.