7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2023
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duuleedka Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab
 

Jimco, December, 15, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in gaari ay saarnayeen dad shacab ah oo maraayay duuleedka xeryaha qaxootiga Dhadhaab iney la kacday miino nooca dhulka lagu aaso.

Inta la xaqiijiyay qaraxa miino ee gaariga haleelay waxaa ku geeriyootay sadax ruux, waxaana ku dhaawacmay 5 ruux oo kale.

Sadaxda ruux ee geeriyootay labada ka mid ah waxay ahayeen Ugaas Amiin Xassan Samatar iyo wiil uu dhalay oo wada saarna gaariga miinada la kacday.

Dadka dhaawacmay oo lasoo wariyay in qaarkood dhaawacyadoodu ay aad u daran yihiin ayaa la geeyay isbitaal ku yaala Magalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Booliiska magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi bari Kenya iney wadaan baaritaano la xiriira qaraxaan oo loo maleynayo iney wadada dhigeen kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dalka Kenya.