7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta saxiixaya xubinimada rasmiga ah ee ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika
 

Jimco, December, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Xalay gaaray magaalada Kambala ee Caasimadda dalka Uganda, halkaas oo si weyn ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Uganda.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Jimco ah kaga qeybgalaya Kambala mnaasabad si rasmi ah loogu saxiixayo ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dallada Bulshada Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo (EAC).

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in madaxweyne Xasan Sheekh mudada uu ku sugan yahay dalka Uganda inuu kulan gaar ah la qaato dhigiisa dalkaas Yoweri Museveni oo ay ka wada hadli doonaan arrimo la xariira sii xoojinta xiriirta iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood.

Munaasabadda ka dhaceysa magaalada Kampala ayaa waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin ka kala socda Dalladda Bulshada Bariga Afrika, kuwaas oo dhankooda saxiixaya in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay Dalladdaan.

Bishaan December dhexdeeda waxay dowlada Soomaaliya gaartay saddex guul oo muhiim ah kuwaas oo kala ah, ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika, Qaadistii Cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saarnayd mudo ka badan 30 sano iyo Dayntii waqtiga dheer lagu lahaa dowladda Soomaaliya oo laga cafiyay.