7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2023
Dagaal beeleed ay dad ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Sanaag

Jimco, December, 15, 2023 (HOL) - Inta la ogyahay saddex qof ayaa ku dhintay dagaal beeleed saaka ka qarxay degmada Dararweyne ee gobolka Sanaag sida BBC Somali sheegtay.

Dagaal beeleedkan oo u dhexeeya beelo dhawaanahan uu muran ka dhexeeyay, isla markaana isku horfadhiyay qaybo kamid ah degmada Dararwayne ayaa sidookale sababay dhaawac aan tiradiisa la xaqiijin.

Dhawaqa rasaasta ayaa wali laga maqlayaa deegaanada uu saaka dagaalku ka dhacay sida uu BBC u xaqiiqiyay qof ku sugan aagga uu dagaalku ka dhacay.

Beelahan ayuu tiraba dhawrjeer dagaal ku dhexmaray deegaankan, iyada oo heshiisyo nabadeed oo dhawjeer la dhexdhigay ay marar kala duwan fashilmeen.

Dhinaca kale, dagaal beeleed muddo ka tagnaa deegaanka Ceel-afwayne ee isla gobolka Sanaag ayaa dhawaan heshiis laga gaadhay iyada oo ciidamo beeleedkii hubaysnaana lagu daray Ciidamada Somaliland.