7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 15, 2023
Dadkii ka barakacay fatahaada Baledweyne oo bilaabay iney dib ugu soo laabtaan guryahooda
 

Jimco, December, 15, 2023 (HOL) - Qaar ka mid ah dadkii ka barakacay fatahaadii wabiga Shabeelle uu dhawaan ka geystay xaafadaha kala duwan ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa bilaabay iney dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Qeybo ka mid ah Xaafadaha Buundaweyn, Howlwadaag, Xaawa taako iyo Kooshin ayaa la arkayay saacadahii lasoo dhaafay qoysas badan oo dib ugu soo noqonaya guryahooda kadib markii ay ka baxeen xaafadahaasi intooda badan biyahii fatahaada.

Qoysaskaan dib ugu soo laabanaya guryahooda ayaa mudo ka badan hal bil qax uga maqna xaafadahooda, kuwaas oo u barakacay xaafada Ceel jaale ee dhacda duuleedka magaalada iyo deegaanada kale ee hoostaga Baledweyne oo aysan biyuhu gaarin.

Waxaa jira qoysas badan oo aan wali dib ugu soo laaban guryahooda, kuwaas oo xaafadahoodu biyaha fariistaan ama ku haraan in mudo ah.

Fatahaadii ku dhufatay Baledweyne 11-kii bishii lasoo dhaafay ee Novembar ayaa sababtay khasaare kala duwan oo isugu jira naf iyo maal intaba, waxaana jira burbur baaxad leh oo soo gaaray wadooyinka muhiimka ah iyo dhismayaasha guryaha.