7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2023
War murtiyeed kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran ee Dhuusomaeeb ka socday

Axad, Agoosto, 27, 2023 (HOL) - War murtiyeed ayaa caawa kasoo baxay shirka wadatashiga qaran ee Dowladda federalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir, kaasoo uga socday magaalada Dhuusomareeb.

Golaha wadatashigu waxay isku raaceen howlgallada socda in la waafajiyo istaraatiijada qaran ee la dagaalanka Alshabaab, lana dardar galiyo dib u heshiisiinta qaran ee degaanada la xoreeyay.

Waxay isku raaceen golaha wadatashigu in horjoogayaasha iyo ciidamadooda loo fidiyo cafis haddii ay isku dhiibaan ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka.

Waxay walaac ka muujiyeen xaaladda kasoo cusboonaatay gobolka Sool, waxayna ugu baaqeen labada dhinac is xakameeyaan, lana ilaaliyo xaquuqda maxaabiista.