7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2023
Beesha caalamka oo si adag u cambaareysay dagaalada ka dhacay gobolka Sool
 

Axad, Agoosto, 27, 2023 (HOL) - Beesha caalamka ayaa si adag u cambaareysay colaadda gobolka Sool, oo ay ku jiraan dagaaladii Jimcaha dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC- Khaatumo.

War-saxaafadeed goor dhaw kasoo baxay beesha caalamka, ayaa lagu booriyay dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la'aan ah.

“Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo. Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka beesha caalamka.

Beesha caalamku waxay sheegeen inay ka filayaan kuwa ku lugta colaadda inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta Kaabayaasha rayidka.

“Waxaan ku celinaynaa muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo helidda gargaar bini'aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan,” ayaa sidoo kale lagu yiri warka kasoo baxay beesha caalamka.

Ugu dambayn waxay ku booriyeen dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh, xiisadahana in lagu xalliyo si nabad ah.