7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2023
Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay 13 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab
 

Axad, Agoosto, 27, 2023 (HOL) - Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose.

Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta ay dhacday Shalay, islamarkaana lagu dilay 13 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta ay ka dhacday meel qiyaas ahaan Kismaayo u jirta 45 KM, islamarkaana duqeynta ay ku timid codsi ka yimid dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Warsaxafadeed AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay xubnaha ka tirsan Al-shabaab in wax khasaare ah aysan kasoo gaarin dadka shacabka ah.

Warkaan kasoo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maanta taliska ciidanka Kumaandooska Danab ay sidoo kale shaaciyeen in howgal qorsheysan oo shalay ka dhacay deegaanka Yaaq dabeyl lagu dilay 47 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.