7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2023
Hoggaanka dhaqanka ee Beesha Habar Jeclo oo go'aamo kasoo saartay khilaafka siyaasada Somaliland
 

Axad, Agoosto, 27, 2023 (HOL) - Hoggaanka Dhaqanka ee Beesha Habar Jeclo oo loo xilsaaray in ay go'aan xal ah kasoo saaraan khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ka taagan, ayaa ku baaqay in la isku sidko doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada.

Shir bahda dhaqanka ee beelaha Somaliland ay iskugu yimaadeen magaalada Hargaysa, ayaa lagu go'aamiyay in hoggaanka dhaqanka ee habarjeclo ay kasoo taliyaan khilaafka doorashada.

Hadaba, hoggaanka dhaqanka ayaa go'aamiyay in doorashada ururada dib loo dhigo oo doorashada madaxtooyada iyo ururadaba laysa saaro lana wada qabto 13 November, 2024, iyo in doorashada madaxweynaha ay galaan kali ah xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID.

Waxa ay go'aamiyeen in doorashada ururadana ay galaan dhamaan tobanka urur siyaasadeed ee cusub iyo saddexda xisbi ee UCID, Kulmiye iyo Waddani, si loo doorto saddexdii xisbi ee siyaasada hoggaamin lahaa tobanka sanno ee xiga.

Guddida Doorashooyinka ayay ugu baaqeen in ay soo diyaariyaan jadwal midaysan oo lagu galayo doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada hal mar, iyo la curiyo xeerar waafaqsan doorashooyinka.

Guddidan dhaqanka ayaa la sheegay in kalsooni buuxda ay ka haystaan dhamaan dhinacyada ay khusayso doorashadu oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiyada mucaaradka.