7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2023
Cabdirisaaq Khaliif: Annagu Somaliland cadow uma aragno haddii aan wanaag kuwada noolaanayno
 

Axad, Agoosto, 27, 2023 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ugu baaqay Soomaliland inay joojiyaan duullaanka weli ku yihiin gobolka Sool.

Cabdirisaaq Khaliif oo saxaafadda kula hadlay magaalada Laascaanood, ayaa waxa uu sheegay, SSC- Khaatumo in aanay jirin cid wax ka beddeli karta jiritaankeeda iyo masiirkeeda. isagoo sheegay in dadkiisu ay tashadeen.

“Maanta laga bilaabo annagu cadow uma aragno nimanka halkaas kasoo jeeda, haddii nabad iyo wanaag aanu ku wada noolaanayno. Laakiin haddii ay muujiyaan cadaawadooda, annagana waxba dhulka nagama yaalaan,” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka  Somaliland, wuxuu ugu yeeray Dowladda federalka Soomaaliya inay garab istaagaan reer SSC iyo maamulkooda. Wuxuu sheegay waxa ay u dhimanayeen, una baraceen inay ahayd midnimada dalka iyo calanka baluuga ah.

Waxa uu sheegay in xasuuq aan loo aaba yeelin laga geystay magaalada Laascaanood. Isagoo sheegay in boqolaal kun oo qoys laga barakaciyay guryahooda markii madaafiic lala dhacay.