7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 27, 2023
Gabadh yar oo galabta Kufsi iyo Dil loogu gaystay magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida
 

Axad, Agoosto, 27, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in gabar yar oo 11 jir ah kufsi iyo dil loogu gaystay xaafadda 13aad ee magaalada Jigjiga, sida ay Warbaahinta la wadaageen dadkii ka ag dhawaa xaafadda gabadha yar kufsiga iyo dilka loogu gaystay ee magaalada Jigjiga.

Falkan oo dhacay galabta abaaro 4tii galabnimo ayaa waxaa gabadha yar kufsaday 4 nin oo aan ka soojeeda qowmiyada kale ee Itoobiya kuwaas oo ka shaqaynayay Faarad uu lahaa Aabaha dhalay gabadha yar ee kufsiga iyo dilka loogaystay, sida ay Warbaahinta u sheegeen ehellada gabadhan yar ee kufsiga iyo dilka loogaystay.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Raggan kufsiga iyo dilka u gaystay gabadhan yar ay iyagu qayb ka ahaayeen dadkii gabadha yar Isbitaalka ula cararay, balse markiiba raggan gacmahooda lagu arkay farihii gabadhan yar iyo xagxagasho taas oo caddaysay in raggani ay iyagu gabadhan yar kufsadeen kaddibna ay dileen, sidoo kale dhakhtarkii joogay Isbitaalka gabadha lageeyay ayaa caddeeyay in gabadha yar ladaldalay kaddib markii kufsiga loogaystay.

Laamaha amniga ee degaanka baadhis kuwada dhacdadan isla markaana gacanta ku haya raggan looga shakisan yahay inay kufsiga iyo dilka ugaysteen gabadhan yar.

Dadka degaanka ayaa waxay dhacdadan ku tilmaameen mid argagax leh, iyagoo dhinaca kale ugu baaqay dadka ku dhaqan magaalada Jigjiga inay ka warhayaan caruurtooda, isla markaana ay la socdaan dhaqdhaqaaqa dadka shaqooyinka hoose uga haya xaafadaha magaalada Jigjiga.

Gabadhan yar ee kufsiga iyo dilka la isugu daray oo lagu magacaabo Faadumo Ugaas Carab Muxumed ayaa caawa lagu aasay magaalada Jigjiga.