7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 25, 2023
Somaliland oo sheegtay in ciidankeedu uu amar xukuumadeed kaga soo baxay Goojacadde

Jimco, Agoosto, 25 , 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidankeedu uu amar kaga soo baxay saldhigyadii uu ku lahaa duleedka Laascaanood.

Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay istiraatijiyad ciidan kaga soo baxeen xeradii Goojacadde.

"Waxaanu ogaysiinayna shacabka Jamhuuriyada Somaliland in maanta oo taariikhdu tahay 25,8,2023, uu ciidanka qaranku kasoo baxay fadhiisinadii uu kaga sugnaa bariga gobolka Sool, istiraatajiyad ciidan awgeed".

Somaliland waxay sheegtay in ciidankeedu uu wado dib isku habeen, si uu dib ugu qaado weeraro kale, sida warbixinta lagu sheegay, sidookale warbixintu waxay sheegtay in qaar kamid ah ciidamadu ay wadada ka lumeen.

Marka laga yimaado sheegashada xukuumada Somaliland, ciidamada Somaliland ayaa saaka lagu jabiyay dagaal ay la galeen ciidamada SSC Khaatumo, iyada laga qabtay maxaabiis ay saraakiil sar sare ku jiraan iyo gadiid dagaal, isla markaana SSC ayaa sheegtay in ay xoog kula wareegeen Goojacadde.

Hadaba, ciidamadii kasoo baxay saldhiga Gojacadde ayaa la sheegay in ay iskugu yimaadeen deegaanka Oog oo ay Somaliland saldhig ku leedahay.