7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 25, 2023
SSC Khaatumo oo sheegtay in ay qabsadeen saldhigii Maraagga ee Somaliland
 

Jimco, Agoosto, 25 , 2023 (HOL)- SSC Khaatumo ayaa sheegtay in ay saaka guulo la taaban karo ka gaadheen dagaal ay la galeen ciidamada Somaliland, isla markaana ay la wareegeen aagga Maraaagga ee bariga Laascaanood.

SSC Khaatumo oo warbixin kale kasoo saartay dagaalka saaka ka dhacay kaantaroolka bari ee magaalada Laascaanood, ayaa sheegtay, in ciidankeedu ay la wareegeen fadhiisinkii ciidanka Somaliland ee Maraagga.

"Waxaanu gaadhnay guulo la taaban karo, anaga oo aagga Maraagga ka qabsanay maleeshiyaadka Somaliland, dadka SSC Khaatumo iyo ciidankooda difaacu jilbaha ayay u aasteen waxayna gaadhsiiyeen jab laxaadle, iyaga oo qabsaday baabuur iyo maxaabiis" ayaa lagu yidhi warbixinta.

Ciidamada SSC Khaatumo ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal, oo iskugu jira beebee, kaare iyo baabuur kale oo ay sheegeen in ay kala wareegeen ciidamada Somaliland, sidoo kale waxay soo bandhigeen maxaabiis.

Ciidamada Somaliland ayay ku eedeeyeen in ay madaafiic la dhaceen magaalada saaka subixii, isla markaana ay soo qaadeen weerar, laakiin lagu jabiyay.

Wali Somaliland dhankeeda kama hadal dagaalka saaka ee SSC Khaatumo ay guulaha ka sheegatay.