7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 25, 2023
Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo goordhaw la wareegay degmada Ceelbuur
 

Jimco, Agoosto, 25 , 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dadka deegaanka ay goordhaw la wareegeen gacan ku heynta degmada Ceelbuur, kadib markii halkaasi ay isaga baxeen dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Ciidamada is kaashanaya ayaa ka hor inta aysan gacanta ku dhigin degmada Ceelbuur waxaa uu dagaal culus ku qabsaday duuleedka degmadaas, kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo aan ilaa hada la xaqijjin inta uu dhan yahay.

Taliyaha ciidanka Lugta Soomaaliya Jeneraal Axmed Aadan ayaa VOA-da u xaqijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deeggaanka ay goor dhaweyd gudaha u galeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa haatan lagu soo waramaya iney ka wadaan gudaha xaafadaha degmada Ceelbuur howlgalo ay ku xaqiijinayaan amaanka degmadaas.

Magaalada Ceelbuur oo ah magaalo istaraatiiji waxaa kooxda Al-shabaab ay ka talineysay mudo 16 sano ah oo ay u aheyd taliskooda ugu weyn gobolada dhexe, la wareegista degmadaan ayaa ka dhigan in la wiiqay awoodii kooxda Al-shabaab ee gobolada dhexe ee dalka.