7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 25, 2023
Taliyihii qaybta 12aad ee Ciidamada Somaliland oo Ciidamada SSC Khaatumo gacanta ku dhigeen
 

Jimco, Agoosto, 25 , 2023 (HOL)- Taliyihii Guutada 12aad ee Ciidamada Somaliland ee aagga Maraagga ee bariga magaalada Laascood, ayaa la rumaysanyahay in uu kamid yahay askar ay saaka ciidamada SSC Khaatumo qabteen.

Bootaan ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu caansan ee ciidamada Somaliland ka dhex muuqday tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Laascaanood 8 billood ka hor.

Waa markii kowaad ee jab intaa la`eg loo gaysto ciidamada Somaliland, iyadoo laga qabsaday 2 saldhig oo muhiima oo kala ah saldhigii Maraagga iyo saldhigii caanka ahaa ee Goojacadde.

Sidookale ciidamada Somaliland ayaa laga qabsaday baabuur iyo maxaabiis, tani ayaana guul muhiim ah u ah ciidamada SSC Khaatumo oo muddo 8 billood ah dagaal kula jiray ciidamada Somaliland ee aagga Laascaanood.

Dagaalka maanta ayaa khasaare wayn soo gaadhsiiyay millateriga Somaliland, ilaa iyo hadana lama oga in ciidamada Somaliland awoodi doonaan in ay dib u qabsadaan saldhigyada laga qabsaday.

Xukuumada Somaliland ilaa iyo hada kama hadal dagaalka saaka dhacay, marka laga yimaado xaga SSC Khaatumo oo warsaxaafadeed kasoo baxday lagu sheegay in ciidankoodu ay guul wayn gaadheen.