7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 25, 2023
Dagaal xoogan oo ka socda bariga magaalada Laascaanood

Jimco, Agoosto, 25, 2023 (HOL) - Dagaal xoogan ayaa saaka dib uga qarxay bariga magaalada Laascaanood, dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada SSC Khaatumo.

Qoraal kasoo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu sheegay in ciidanka Somaliland uu weerar kusoo qaaday magaalada Laascaanood, iyaga oo adeegsanaya madaafiic iyo tikniko.

"Maleeshiyada maamulka gooni u-goosadka ah ee Somaliland ayaa weerar xoogan ku soo qaaday  magaalada Laascaanood iyaga oo adeegsanaya madaafiicda, iyo tikniko, maleeshiyada Muuse Biixi ayaa weeraradan  qorsheysan ka soo qaaday duleedka bari iyo galbeed ee Laascaanod" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa lagu sheegay warbixinta in uu dagaalku socdo isla markaana  ciidanka SSC Khaatumo ay is difaacayaan dibna ciidanka Somaliland loogu celiyay goobihii ay weerarka ka soo qaadeen, guulo waaweyna laga gaadhay oo gaadiid iyo maxaabiisna laga qabtay.

"Shacabka SSC-Khaatumo iyo maamulkoodu waxay heegan u yihiin sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba uga difaaci lahaayeen, isla markaana malayshiyada Somaliland deegaankooda uga sifayn lahaayeen" ayaa markale lagu yidhi qoraalka.

Dagaalka saaka ayaa ka socda dhinaca Maraaga ee magaalada Laascaanood, oo ciidamada Somaliland ay saldhig ku leeyihiin, lama oga khaasaraha dhabta ah ee dagaalka marka laga yimaad sheegashada SSC Khaatumo.