7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 25, 2023
27 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Hoose
 

Jimco, Agoosto, 25, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa Xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay beerta Sheekhoow oo qiyaas ahaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose u jirta ilaa 16 KM.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada ay ku dileen 27 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab oo la tilmaamay iney isku aruursanayeen beerta Sheekhoow, islamarkaana sidoo kale lagu burburiyay saanad ciidan iyo fariisimihii kooxda ku laheyd halkaas.

Wararka waxay intaasi kusii darayaan howlgal kale oo ciidamada dowladda ka fuliyeen jiinka wabiga ee deegaanka Basra lagu dilay ilaa 5 xubnood oo ka mid ah Ururka Al-shabaab.

24 saacadood gudahood waxaa deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameyeen ilaa sadax howlgal oo lagu beegsaday goobo kala duwan oo Al-shabaab isku aruursanayeen.

Tirada guud ee howlgaladaasi looga dilay 24-kii saac ee lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab ayaa noqoneyso 47 dagaalame oo ka mid ah Ururka Al-shabaab.