7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 18, 2023
Howlgal laga fuliyay Buqa-aqable oo lagu dilay 18 katirsan Alshabaab

Jimco, Agoosto, 18, 2023 (HOL) - Ciidan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dilay 18 xubnood oo katirsan kooxda Alahabaab, kaddib howlgal maanta oo jimco ah ay ciidanku ka fuliyeen  degaanka Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu beegsaday saddex xarumood oo Alshabaab ay ku lahaayeen Buqa-aqable, kuwaas oo dhamaantood la burbruriyay.

Sida ay dowladdu sheegtay, goobta ugu horraysa waxa ay ahayd Garaash ay u yaaleen Alshabaab  ilaa 20 Gaari oo ah kuwa Dagaalka. Dowladu waxay sheegtay in dhamaantood la burburiyay

Howlgalka xiga waxa uu ka dhacay Xarunta Maamulka Alahabaab degaanka, taas oo la burburiyay, waxaa lagu khaarajiyay mid ka mid ah uu ahaa Horjoogayaasha Alshabaab.

Howlgalka ugu danbeeyay waxa lagu beegsaday Isbaaro ay ku sugnaayeen Koox Shabaab ah oo ku taala duleedka degaanka, halkaasoo dowladdu sheegtay in lagu laayay kooxdii joogtay.

Hawlgalkaan dhacay Maanta oo jimco ah waxa uu ka mid yahay hawlgalo isdaba joog ah kuwaas oo barbar socda hawlgalka xoraynta, waxaana lagu beegsaday ilaa hadda inka badan toban degaan oo ah kuwo ay ku sugnaayeen Alshabaab.