7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 18, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh: Alshabaab ma oggola inay dowladda Soomaaliya wada hadal la galaan
 

Jimco, Agoosto, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay, kooxda Alshabaab in aysan ogolayn inay wadahadal la galaan Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlayay dood su'aalo lagu weydiinayay ayaa wuxuu sheegay, tiro dhowr jeer ah in ay dowladdu isku dayday oo ay baafiyeen inay wada hadal ugu yeeraan Alshabab, balse wuxuu sheegay in aanay suurto galin.

“Nimankan wada hadal ma ogola. Dowladda Soomaaliya anigoo madaxweynaha ka ah ayaa intaas oo jeer baafiyay oo dhahay cafis ayaa tihiin, welina cafiskaas waa furan yahay.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay jirin sabab ay dowladdu u diido wadahadal ay la gasho Alshabaab, si loo joojiyo dilka ay geysanayaan iyo midka dowladdu ugeysanayso.  

Xasan Sheikh wuxuu caddeeyay dowladdiisu inay soo dhoweynayso cid kaste oo ka tanaasusha mabda’ Alshabaab. Wuxuu u ballanqaaday inay dowladdu siindooto xuquuqda ay leeyihiin, si lamid ah muwaadiniinta kale.

Wuxuu madaxweynuhu difaacay in xil loo dhiibi karo qof Alshabab kasoo goostay, isagoo sheegay dad badan inay Alshabaab ugu jiraan tabashooyin iyo dulmi ay tirsanayaan.