7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 18, 2023
Wada xaajoodyada ku biirista Soomaaliya ee EAC oo bilaaban doona toddobaadka soo socda
 

Jimco, Agoosto, 18, 2023 (HOL) - Wada xaajoodyada ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Ururka bulshada Bariga Afrika ayaa billaaban doona toddobaadka soo socda, sida uu sheegay xoghayaha guud ee EAC Peter Mathuki.

Isagoo soo bandhigayay Xaaladda EAC, Mathuki wuxuu sheegay in Xoghaynta iyo Golaha Wasiirradu ay abaabuleen wada-xaajoodka bilaabmi doona 22-ka Agoosto ilaa 5-ta Sebtembar, 2023.

"Intaas ka dib warbixinta waxaa loo gudbin doonaa Golaha dhexe si ay u tixgeliyaan ka hor inta aan shir-madaxeedka la ansixin oo la siiyo jihada xigta," ayuu raaciyay.

Wada xaajoodyadu waxay daba socdeen ansixinta Warbixinta Xaqiijinta Codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku biirista EAC bisha Juun.

Hannaanka xaqiijinta ayaa billowday bishii Jannaayo ee sanadkan iyadoo la doonayo in lagu saleeyo heerka waafaqsanaanta Soomaaliya ee shuruudaha ku biirista dalalka shisheeye sida uu dhigayo heshiiskii lagu aasaasay EAC.

Soomaaliya ayaa codsigeedii ugu horreysay samaysay si ay ugu biirto Bulshada Bariga Afrika 2012. Si kastaba ha ahaatee, howlgalka xaqiijinta si degdeg ah looma qaban. Waxa ururka EAC uu sheegay in ay sabab u tahay sababo kala duwan.

Haddii Soomaaliya loo ogolaado EAC, waxay noqonaysaa xubinta 8-aad. Xubnaha hadda jira waa Burundi, Kenya, Uganda, Rwanda, South Sudan, Democratic Republic Congo iyo United Republic of Tanzania.