7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 18, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo magacaabay agaasimaha madaxyooyada Soomaaliya

Jimco, Agoosto, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdixakiim Maxamed Yuusuf, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Agaasimaha madaxtooyada ayaa horey u ahaa la taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha.

Madaxtooyadu waxay sheegtay inuu leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sano oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay agaasimaha cusub ee Madaxtooyada inuu kasoo baxo masuuliyadda culus loo igmaday.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii shaqada ka tagay agaasimihii hore ee madaxyooyada Xuseen Sheikh Maxamuud, kadib markii uu iska casilay xilkiisii.