7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 18, 2023
Weriye Maxamed Ibraahim Bulbul oo maalin labaad u xiran hay'adaha amniga ee dowladda Soomaaliya
 

Jimco, Agoosto, 18, 2023 (HOL) - Weriye Maxamed Ibraahim Bulbul oo kamid weriyayaasha magaalada Muqdisho, ayaa maalintii labaad u xiran Dowladda federalka, waxaana xarigiisa cambaareeyay ururada udooda xuquuqda saxaafadda Soomaaliya.

Rag ku hubeysan bastoolado oo la sheegay in ay ahaayeen sirdoonka dowladda, ayaa weerar gacan qaad ah ku qaaday weriye Bulbul, galabnimadii shalay, xilli uu weriyuhu ku jiray jaamacad uu wax ka baranayay, iyagoo ka dibna kaxaystay, sida aan kasoo xiganay warbaahin uu katirsan yahay oo lagu magacaabo Kaab Somali Tv.

Waxay sheegeen dhowr saacadood oo la weysanaa ka dib, in ciidanka kaxaystay weriyaha ay geeyeen xarunta CID. Ma jirto wax eedeyn ah illaa hadda loo keenay weriyaha.

Ururka Somali Journalists Syndicate - SJS ayaa sheegay weriyaha in loo diiday in la booqdo. Waxay sheegeen Illaa hadda qoyskiisa iyo qareenadiisaba in aysan arki karin.

SJS waxay ugu baaqday hay'adaha amniga ee dowladda inay shuruud la'aan ku sidaayaan weriyaha, ayna joojiyaan hanjabaadda ay ku hayaan.

Si kastaba ha ahaatee, xariga weriyaha ayaa daba socday maalmo kadib markii uu sii daayay warbixin ku saabsanayd askar booliiska katirsan oo uu sheegay in laga musuq maasuqay lacago ay ku qaadan laahaayeen siminaar uu soo qaban qaabiyay Midowga Yurub.