7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 18, 2023
20 kamid ah dagaalamayaasha Alshabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Shabeellada hoose
 

Jimco, Agoosto, 18, 2023 (HOL) - In ka badan 20 Alshabaab ah ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ciidamada dowladda Qaranka iyo Saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo dhacay xalay saqdii dhexe abaaro Saddexdii habeenimo, ayaa waxaa lagu beegsaday laba guri oo ay Alshabaab ay ku diyaarinayeen dagaalamayaal iyo waxyaalaha qarxa.

Howlgalka waxaa lagu burburiyey guryihii Alshabaab fariisinka u ahaa iyo wixii saanad ciidan ahaa ee halkaas ay ku diyaarinayeen, sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.

Dhawaan, maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in duqeymaha ka dhanka ah Alshabaab ay noqon doonaan kuwa si joogto ah looga fuliyo goobaha Shabaabku isugu yimaadaan.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa isna xalay ka sheegay magaalada Dhuusomareeb wajiga koowaad ee howlgalka dib xoraynta uu ka socda degaanada Koonfur Galbeed, isagoo sheegay Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamka in ay  ka go’an tahay sifaynta Alshabaab.