7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2023
War murtiyeed lagasoo saaray shirka Wasiirrada maaliyadda heer federal iyo heer dowlad goboleed
 

Isniin, Agoosto, 14, 2023 (HOL) - Wasiirrada Maaliyadda heer federal, heer dowlad goboleed, iyo maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Muqdisho ku yeeshay shir labo berri socday oo lagu gorfeeynayay dib-u-habaynta maaliyadda, midaynta canshuuraha, iyo dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka maqnayd shirkan, taasoo horey u diiday inay qeyb ka ahaato shirarka u dhaxeeya Dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada. Puntland waxay kaloo horey u diiday midaynta canshuuraha dalka, tan iyo inta heshiiska midaysan laga gaarayo.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo shirka soo xiray, ayaa sheegay intii uu shirkaan uu socday ay Wasiirrada Maaliyadda Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir uga hadleen arrimaha midaynta canshuuraha dalka iyo sidii loo dardargelinta lahaa dhaqangelintooda.

Shirkaan ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed ee loo yaqaan DPO.

Ugu dambeynta, shirkaan ayaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda Dowladda federalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.