7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2023
SSC-Khaatumo oo war kasoo saartay dagaalkii shalay ee Laascaanood

Isniin, Agoosto, 14, 2023 (HOL) - SSC-Khaatumo oo ka hadashay dagaalkii shalay dhexmaray iyaga iyo Somaliland, ayaa sheegtay in 6 qof oo rayid ahi ay ku dhinteen 19 kalena ku dhaawacmeen duqaymo ay Somaliland la beegsatay Laascaanood.

Qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee SSC-Khaatumo, ayaa lagu sheegay in duqaymuhu ay sidookale waxyeeleeyeen guryo iyo ganacsiyo, waxayna sheegeen in ay isdifaaci doonaan.

"Maleeshiyaadka Somaliland duqayn ayay nagu wadeen ilaa saaka, duqayntu waxay dishay 6 qof 19 kalena way dhaawacday, guryo iyo ganacsiyana way burburisay, hogaanka fulinta ee Khaatumo waxay markale ku celinayaan in ay dadkooda difaaci doonaan" ayaa lagu yidhi warbixinta.

Dhinaca kale Afhayeenka SSC-Khaatumo Cabdirisaaq Fallaalug, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dadka dhintay ay iskugu jireen oday waayeel ah, caruur, haween iyo dhallinyaro meherado ganacsi joogtay.

Waxa uu sheegay in weerarka ay Somaliland kusoo qaaday, isla markaana ay iska difaaceen, oo ay ciidanka Somaliland dib ugu dabaaleen fadhiisimadoodii, ayna is difaaci doonaan.

Dagaal ka shalay ayaa socday in muddo ah, iyadoo la sheegay in dhinacyadu ay is waydaarsadeen madaafiic cul culus, Somaliland ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay in ay soo weerareen ciidamada Puntland, maleeshiyaad deegaanka ah, iyo kooxo xagjir ah.

Dagaalka Laascaanood ayaa hada soconaya muddo 7 billood ka badan, iyada oo ay hore dhinacyada u dhexmareen dagaalo goos goos ah, oo gaystay khasaare naf iyo maalba leh, ilaa hadana lama oga xiliga uu dhamaan doono.