7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2023
Baarlamaanka Soomaaliya oo walaac weyn ka muujiyay xaaladda maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar

Isniin, Agoosto, 14, 2023 (HOL) - Guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa waxay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar.

Guddiga ayaa warbixin ay kasoo ururiyeen  xabsiga dhexe Xamar, waxay maanta la wadaageen xildhibaanada baarlamaanka, iyagoo sheegay in dad badani ay maxkamad la’aan muddo sanado ah ugu xiran yihiin xabsiga.

Guddiga waxay kaloo sheegeen inuu dayac badani ka jiro xabsiga gudihiisa, islamarkaasna ay maxaabiistu ku sugan yihiin xaalad adag oo aan indhaha laga saaban Karin.

Guddiga waxay sheegeen in xabsiga ay ku jiraan dad xukunkoodii dhameystay oo weli iska xiran, kuwo sanado badan Rumaan u xiran, iyo kuwo siidayntooda lagu xiray damaanad. Waxay sheegeen inay xabsiga ku xiran yihiin dad xanuunsan oo u baahan inay caafimaad helaan.

“Muwaadin Soomaaliyeed oo saddex sano u xiran 10 dollar, waxaynu dowlad u ahaano oo jaakado u gashano oo halkaan u fadhino waa ceeb,” ayuu yiri guddiga xuquuqul insaanka.

Guddiga xuquuqul insaanka ayaa baarlamaanka ayaa usoo jeediyay in loo kaco maxaabiista dulmiga ugu xiran xabsiga dhexe, waxayna sheegeen in loo yeero cid walba oo ku lug leh.  

Dhawaan, wasiirka caddaaladda Soomaaliya Xasan Macalin, ayaa beeniyay in ay jiraan dad muddo dheer xabsiga isaga xiran maxkamad la'aanta. Guddigana waxay sheegeen inay soo arkeen dad xiran illaa 2017 maxkamad la'aan.