7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2023
Puntland: Ciidamo ka gadoodsan mushaar la'aan oo jaray isku socodka laamiga Garowe iyo Gaalkacyo

Isniin, Agoosto, 14, 2023 (HOL) - Maalintii labaad, ciidamo katirsan Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa lagusoo waramayaa in ay xiran tahay laamiga isku xira magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.

Tobaneeyo kamid ah gaadiidka xamuulka qaada, kuwaas oo u raran gobolada dhexe ee dalka ayaa ku xanniban kastamka degmada Xarfo ee gobolka Mudug, halka qaar kale oo ku wajahan magaalada Boosaaso loo diiday inay gudbaan.

Illaa iyo hadda ma jirto wax tallaabo ah oo uu maamulku qaaday, si loo xalliyo ciidamada jidgooyada dhigtay ee ka cabanaya inay waayeen xaquuqdoodii mushahaar.

Sidaas oo kale maalmo ka hor, ciidamo mushaar laa’aan ka cabanaya ayaa kasoo baxay buuraha Golis ee gobolka Bari, halkaas oo ay kaga jireen difaac ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Maalmo kasii horreeyayna ciidamo ka cabanayay mushaar la’aan ayaa xirtay dekeda Boosaaso. Dhammaan cabashooyinkan ayaa lagu xalliyay in ciidamada xaquuqdooda qeyb la siiyay.

Bilihii ugu dambeeyay, gadoodka ciidamada Puntland ayaa isisoo tarayay, taasoo loo aanaynayo, kaddib markii maamulka Puntland uu bixin waayay mushahaarka shaqaalaha iyo ciidamada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa lagu eedeeyay inuu ku mashquulsan yahay olole ku saabsan sidii uu mar kale xukunka ugusoo noqon lahaa, isagoo doonaya inuu qabto doorasho qof iyo cod ah oo ay ururada mucaaradku saluugsan yihiin.