7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2023
Hay'adda Nabadsugida Jubbaland oo shaacisay iney fashiliyeen qaraxyo Miino oo lagu diyaariyay Kismaayo
 

Isniin, Agoosto, 14, 2023 (HOL) - Ciidanka Nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa Xalay howlgalo qorsheysan ka sameeyay xaafado ka mid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Taliska ciidanka Nabadsugida Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in howlgalada Xalay ciidanka sameeyeen lagu fashilyay qarax miino oo lagu aasay mid ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo.

"Ciidanka Hay'ada Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland  ( JISA) oo kaashanaya shacabka reer Jubaland ee Magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay miinadan oo ay dhagar-qabayaasha AS doonayeen iney ku waxyeeleeyaan dadka shacabka ah ee amniga iyo saxansaxada nabadadeed ku naaloonaya" ayaa lagu yiri warkasoo baxay Taliska hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsudiga Jubbaland.

Taliska Hay'adda Nabadsugidda Jubbaland ayaa sidoo kale u mahadceliyay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo ay sheegeen iney kala shaqeeyeen ka hortaga weerarada iyo qaraxyada kooxda Al-Shabaab.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyo nawaaxigeeda waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah oo dhexmara ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Ururka Al-Shabaab.