7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 14, 2023
Sarreeye guuto Caanood: Weeraradii Buulo Fulaay iyo Galhareeri waxaa lagu baabi’iyay barihii lagu diyaarinayay qaraxda
 

Isniin, Agoosto, 14, 2023 (HOL) - Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdullaahi Caanood, ayaa sheegay in dowladdu sahan ku sameeysay dhammaan goobaha Alshabaab ay ku diyaarinayaan qaraxda, isagoo sheegay tallaabada xigta in ay tahay in dhul iyo cir laga weeraridoono Alshabaab.

Afhayeenka gaashaandhigga ayaa sheegay in weerarkii maalmo ka hor laga fuliyay Buulo Fulaay iyo Galhareeri uu ahaa weeraro horey loosii qorsheeyay, kaddib markii la ogaaday meelaha ay Alshabaab ku diyaariyaan qaraxyada.

“Weeraradii Buulo Fulaay iyo Galhareeri waxaa lagu baabi’iyay barihii lagu diyaarinayay ashyaada qaraxda iyo baraha ay iskugu yimaadaan amiirada iyo nimanka howlgalinta iyo dagaalada u qaabilsan, iyo barahooda taakulaynta iyo dawada ay ku kaydsadaan. Dhammaantood waa la burburiyay,” ayuu yiri Caanood.

Sarreeye guuto Caanood waxa uu ugu digay dadka shacabka ah inay ka fogaadaan degaannada ay ku sugan yihiin al-Shabaab.

Wuxuu sheegay cid kaste oo ka dhega adaygta awaamiirta Dowladda, islamarkaana ay khasaare kasoo gaarta howlgallada Dowladda iyo saaxiibada caalamka in aan cidna la weydiinayn.

Afhayeenka gaashaandhiggu wuxuu sheegay in howlgalkii dhulka iyo cirka uu degdeg u bilaabandoono. Isagoo sheegay in howlgallada ka wada bilaabandoonaan masaafooyin dhaadheer.