7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 25, 2022
Qaali Maxamuud Guhaad : Dilkii xildhibaan Aamina wuu qorsheysnaa

Jimco, Maarso, 25, 2022 (HOL) - Hooyada dhashay maqane Ikraan Tahliil Faarax oo saxaafadda kula hadashay magaalada Muqdisho, ayaa ku tilmaamtay dilka xildhibaan Aamina Maxamed mid qorsheysnaa, maadaama lagu beegsaday gudaha xerada Lamagalaay ee magaalada Beledweyne.

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa sheegtay in ay dareemayaan in xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, ay u dhimatay ka hadlida kiiska maqane Ikraan Tahliil, si aysan ugu soo laabanin baarlamaanka.

Hay’adda nabad-gusida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sheegtay in kooxda al Shabaab ay dileen Ikraan oo u shaqeyneysay hay’adda nabad-sugida, balse kooxda ayaa iska fogeysay dilka gabadha.

Marxuumad xildhibaan Aamina, ayey ku tilmaamtay in ay aheyd qof cadaalada ka shaqeysay, maantana cadaalada loogu soo gabaday, sidoo kale waxaa ay hoosta ka xariiqday in geerida Aamina ay si gaar ah u taabatay.

“Gabar ayaa markii hore naga maqneyd, haddana waxaa nagala dilay gabadheenii kale. Qof walba oo ka hadlay kiiska Ikraan waa la daba joogaa”, ayey sii raacisay, waxaana ay u tacsiyadeeysay dhammaan dadkii ku dhintay qaraxa.

48 qof oo ay ku jiraan xildhibaan Aamina Maxamed iyo xildhibaan hore Xasan Dhuxul, ayaa habeen hore geeryooday, halka 108 kale ay ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Marxuumad xildhibaan Aamina waxaa ay kamid aheyd 15 qof oo ku dhintay qaraxii koowaad oo ka dhacay gudaha xerada Lamagalaay, kaddib markii qof iskusoo xiray qarax uu dhexda ka galay dadkii ay kamid aheyd Aamina.

Kooxda al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada labada qarax.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, madaxweynayaal hore Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Ra’iisul Wasaarayaal iyo siyaasiyiin kale, ayaa shalay magaalada Muqdisho salaadda janaasada ku tukaday meydka Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore Xasan Cali Cabdi Dhuxul.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sidoo kale siyaabo kala gooni-gooni ah u cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Beledweyne, iyagoona tacsi u diray dhammaan dadka dhintay, gaar ahaan xildhibaan Aamina Maxamed.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]