7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 25, 2022
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay saraakiil ka socda Midowga Yurub

Jimco, Maarso, 25, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayay Maxamed Xaaji oo ah maamulaha mashruuca lagu dhisayo waddada Gaalkacyo-Garoowe.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda ku aadan dhismaha waddooyinka iyo maalgelinta biyaha, isaga oo la wadaagay Midowga Yurub in maamulka uu malaayiin doollar ku bixiyay dhismaha waddooyinka, ayna u mahadcelinayaan cidkasta oo kala qeyb-qaadanaysa.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, wasiirka qorsheynta ahna xildhibaan DFS Cabdiqafaar Xaange iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirashii Cali.

Dayactirka waddadan ayaa u qeybsan labo waji oo kala ah Gaalkacyo ilaa Xarfo iyo wajiga labaad oo ah Xarfo ilaa Birta Dheer, iyadoona dhismaha jidkan loo arkaa mid kamid ilaha kor u qaadaya dhaqaallaha Puntland.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]