7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 25, 2022
Guddiga SEIT ee Hirshabelle oo shaaciyay jadwalka doorashada afar kursi

Jimco, Maarso, 25, 2022 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad-gobolleed ee Hirshabelle, ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashada afar kursi oo deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kuraasta jadwalkooda la shaaciyay ayaa kala ah HOP#058, HOP#019, HOP#059 iyo HOP#039.

25-ka bishan ayaa la bilaabi doonaa diiwaan-gelinta, tababar iyo shaacinta guddiyada xulista ergada, halka 27-ka bishan Maarso la qaban doono doorashada kuraastan.

Xaaladda amni ee magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, kaddib markii 48 qof ay ku dhinteen, 108 kalena ay ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacday magaalada.


Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]