7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 25, 2022
Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday "xabbad-joojin hal dhinac ah”

Jimco, Maarso, 25, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday "xabbad-joojin bini'aadantinimo oo si degdeg ah u hirgasha”, si gargaar degdeg loo gaarsiiyo gobolka Tigray, halkaas oo boqolaal kun ay ku wajahayaan gaajo.

Tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay waqooyiga Itoobiya bishii Nofambar 2020, kumannaan qof ayaa ku dhintay, malaayiin kalena waa ay ku barakaceen iyadoo colaaddu ay ka bilaabatay Tigray, kuna faaftay gobollada deriska la ah ee Axmaarada iyo Canfarta.

Dawladda Itoobiya ayaa rajaynaysa in xabbad joojintani ay si weyn wax uga qaban doonto xaaladda bini'aadantinimo ee dhulka, una gogol xaarto xallinta colaadda waqooyiga Itoobiya, iyadoon dhiig kale daadan.

Afhayeenka ciidamada Tigreega wali kama uusan jawaabin xabbad-joojinta ay ku dhawaaqday dowladda Itoobiya.

Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, David Satterfield, ayaa toddobaadkan booqasho ku tagay caasimadda Addis Ababa, halkaasi oo uu kula kulmay madaxda dowladda iyo siyaasiin kale, waxaana qodobadii ay ka hadleen u badnaayeen xaaladda gobolka Tigray.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]