7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 25, 2022
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada-hadlay amniga doorashooyinka

Jimco, Maarso, 25, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xafiiskiisa kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Fransisco Madiera, iyagoona ka wada-hadlay kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka.

Shirka ayaa yimid maalin uun kaddib markii al Shabaab saddex weerar ay ka geysteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdishu iyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarkii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay lix qof, halka labadii qarax ee ka dhacday magaalada Beledweyne ay ku dhinteen 48 qof, 108 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu hoosta ka xariiqay in falalka noocan ahi aysan marnaba ka horjoogsan doonin xaqiijinta in dalka ay ka dhacdo doorasho sida ugu dhaqsiyaha badan, shacabka Soomaaliyeed ayuu ku boorriyay feejignaan dheeri ah iyo in ay gacan ku siiyaan hirgelinta doorashada iyo in dalku yeesho hoggaan cusub oo ka samata bixiya xaaladda adag ee amni, siyaasad, dhaqaale iyo bani’aadminimo.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]