7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 25, 2022
Kooxda TPLF oo oggolaatay xabad joojinta ay ku dhawaaqday dowladda Itoobiya

Jimco, Maarso, 25, 2022 (HOL) - Kooxda TPLF ayaa sheegtay inay oggolaanayaan xabad joojinta ay ku dhawaaqday dowladda Itoobiya, haddii ayay yiraahdeen gargaarka bani'aadanimo la gaarsiinayo dadka ku dhaqan gobolka Tigray.

TPLF ayaa marar hore waxay sheegtay inay mudnaanta siinayaan shacabka Tigray, kuwaas oo inbadani ay dhibaatooyin kala duwani kasoo gaareen dagaalka mudada sannadka ka badan u dhaxeeyay TPLF iyo dowladda Itoobiya, ee ka socday gobolka Tigray.

TPLF ayaa xabad joojinta waxay raaciyeen shardi ah in ciidamada dowladdu iyo kuwa taabacsan dowladda ay ka baxaan dhulka Tigray, ee ay qabsadeen intii uu dagaalku socday.

Haddalkan kasoo baxay TPLF ayaa kusoo hagaagaya xilli ay dowlada Itoobiya maalinimadii shalay ahayd shaacisay inay joojisay dagaalkii ay kula jirtay TPLF, iyadoo u sababeysay gargaarka kala duwan oo larabo in la gaarsiiyo dadka halkaasi ku dhaqan.

Dagaalkan ayaa socday ku dhawaad 18 bilod, halkaas oo dagaalku marba marxalad marayay, iyadoo markii dambe dagaalku ku fiday gobollada Canfarta iyo Axmaarada oo deris la ah Tigray.

Xabad joojintan ayaa hadday hirgasho waxaa lagu guulaysan doonaa in si nabad ah gargaarka loo gaarsiiyo shacabka tabaalaysan ee ku dhaqan gobolka Tigray.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]