7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 31, 2021
Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Todobaadka Xorriyadda
 

Isniin, May, 31, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Todobaadka Xorriyadda, wuxuuna faray diyaarinta munaasabado muujinaya qiimaha shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan maalmaha xurriyadda iyo midnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay la joogo xiliigii dadka Soomaaliyeed ay soo nooleyn lahaayeen miro-dhalkii gobanimada, dowladnimada iyo midnimada, soona celin lahaayeen maqaaamkii iyo magacii ay ku lahaayeen gobolka iyo qaaradda.

Xubnaha Guddiga ee ku magacaaban wareegtada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe, halka uu Guddoomiuye Kuxigeenka uu ka yahay Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale.

Xubnaha kale ee Guddiga ayaa kala ah;

1-Mudane Durraan Axmed Faarax Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada

2- Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Gaashaandhigga

3- Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda

4- Marwo Khadiija Maxamed Diiriye Wasiir Gargaarka & M. Masiibooyinka

5- C/wahaab Ugaas Xuseen Wasiirka Shaqada & Arr. Bulshada

6- Marwo Shugri Maxamuud Afrax Wasiiru Dowlaha Tamarta iyo Biyaha

7- Cumar Maxamuud Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

8- Mudane Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirrada Xoghayaha Fulinta

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online