7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 31, 2021
Kenya oo ku hanjabtay inay guud ahaanba joojinayso duulimaadyada arrimaha bini'aadanimada ee taga Soomaaliya

Isniin, May, 31, 2021 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa ku wargalisay dhammaan Ergooyinka Diblomaasiyadeed, Hay'adaha Qaramada Midoobay iyo Hay'adaha Caalamiga ah ee ku sugan Nairobi in hawada Kenya iyo Soomaaliya la xiray ka dib markii la jaray Xiriirkii Diblomaasiyadeed ee labada dal.

Kenya waxay sheegtay in ay ka xuntahay inay ogaatay in si qaldan loo adeegsaday duulimaadyada bani'aadamnimada ee labada dhinac iyo kuwa siyaasadeed oo ka soo horjeedda go’aankii ay ku joojisay duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in arrimaha bani'aadamnimada loo ogol yahay duulimaadyada Soomaaliya, si looga fogaado in Kenya ay ku dhawaaqdo in la xayirayo dhammaan duulimaadyada oo idil.

Hadalka Kenya ayaa kusoo aadaya xilli raysal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweyne Kenya ay qorsheynayeen in ay yeeshaan kulan xal loogu raadinayo khilaafka labada dal.

Go’aanka Kenya hawadeeda kaga xiratay Soomaaliya ayaa loo aaneenayaa xayiraada saaran Qaadka Miirowga ee Soomaaliya loo dhoofin jiray, kaasoo bishii march ee sanadkii hore la hakiyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online