5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 31, 2021
Somaliland oo looga dareeray cod bixinta doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka


Isniin, May, 31, 2021 (HOL) - Dadwaynaha ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa saaka si rasmi ah ugu dareeray cod bixinta doorashooyinka isku sidkan ee deegaanka iyo wakiilada.

Cod bixiyayaasha ayaa safaf dhaadheer ugu jira sidii ay cod kooda u dhiiban lahaayeen, iyadoo qaarkood ay xarumaha cod bixinta yimaadeen galinkii danbe ee xalay si ay codkooda  xili hore u dhiibtaan.

In kabadan 1 milyan oo qof ayaa isla maanta ka codayn doona 2709 goob doorasho guud ahaan Somaliland.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa codkooda ka dhiibtay xarunta hay'ada shaqaalaha Somaliland ee Hargaysa, waxayna bulshada ugu baaqeen in ay si nabada ku codeeyaan, iyagoo sheegay in caalam ku indhaha ku hayo doorashooyinka Somaliland.

Qof kasta oo cod bixiye ah ayaa xaq u leh in uu u codeeyo laba musharax, oo u kala sharaxan golaha deegaanka iyo golaha wakiilada ee Somaliland.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee Somaliland laga qabto, iyado markii hore doorasho kasta kaligeed la qaban jiray.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiraan Online
[email protected]