7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 31, 2021
Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland oo Maanta dib ugu laabanaya deeganadooda
 

Isniin, May, 31, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in maanta aay  dib ugu kala laabtaan magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo.

Labadan madaxweyne ayaa dhawaan Muqdisho uga qeyb galay shirkii wadatashiga qaran ee lagu kala saxiixday heshiis rasmi ah oo laga gaaray xal u helida qabsoomida doorashooyinka dalka, waxayna intii Muqdisho aay ku sugnayeen kulamo kala duwan la qaateen madax kala duwan.

Qaban qaabada soo dhaweynta labada madaxweyne ayaa si weyn looga kala dareemaya magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe oo kala ah xarumaha aay ku kala shaqeyaan Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in marka aay gaaraan xarumahooda aay wax ka badal ku sameeyn doonaan Xubnaha katirsan gudiyadda doorashooyinka heer Fedaraal oo aay ka timid cabashada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]